Amiirka Al-Shabaab Wiil Uu Dhalay Iyo Horjoogayaal Kale Oo Lagu Dilay Weerar Ciidamada Komaandooska DFS Sameeyeen.

Ciidamada Kumaandooska Dowlada Soomaaliya
Ciidamada Kumaandooska Dowlada Soomaaliya

KUNTUWAAREY (XOGTA.NET) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in wiil uu dhalay Amiirka Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ka fuliyeen Gobolka SH/Hoose.

Idaacadda Ciidamada Xoogga dalka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in howlgalka ay fuliyeen Ciidamada Kumaandooska iyo Ciidamo Mareykan ah oo wehiyay, iyadoo xalay  laga fuliyey degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabeellaha.

Xubnaha lagu dilay howlgalka waxaa ka mid ahaa Wiil uu dhalay Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda oo magaciisa lagu sheegay Xasan Axmed Diiriye iyo horjoogayaal ay ka mid yihiin Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur (Faruur).

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo dhinaca kooxda Alsahbaab iyadoo aanay jirin cid xaqiijisay arrintan.

Si  kastaba ha ahaatee, Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa la howlgala Mareykanka oo tababarray, waxaana saldhigoodu yahay Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Sh/Hoose.

Madaxweynaha oo maanta booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kulamo kula yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana ku wehliyay kormeerka Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Saraakiisha sare ee ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Famaako uu xafiis ka furtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, halkaasoo uu sheegay inuu waqtigiisa badan ku qaadan doono si uu dhiirogelin ugu noqdo ciidamada xoogga Dalka oo dagaal kula jira Alshabab.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii labaad ee Madaxweynaha uu sheego inuu ku shaqeynayo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, wuxuuan dhowr jeer isaga daba noqday xaruntaasi.